QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa qorsheynaya in ay qabsadaan magaalada Gaza oo uu dagaalku sii xumaanayo,kadib markii Golaha wasiirada Isra’iil xalay ansixiyeen in Qaza la qabsado laguna daro Israa’iil.
Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horey u soo shaaciyay in militariga Israel ay la wareegi doonaan dhammaan Gaza’.
Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa ansixiyay qorshe uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku doonayo in ciidammada Israa’iil ay ku qabsadaan magaalada Gaza, oo ku taalla waqooyiga gobolka Falastiin.
“Militeriga Israa’iil waxa ay isu diyaarin doonaan in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Gaza iyaga oo gargaar bini’aadanti siin doona dadka rayidka ah ee ka baxsan aagagga dagaalka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Netanyahu
Qabsashada magaalada Qaza waxay muujinaysaa kororka weyn ee ay Israel ku hayso dagaalka ay ku hayso dhulka falastiiniyiinta waxayna u badantahay in ay sababto barakac xoog leh oo ay ku barakacaan tobanaan kun oo qof oo gaajaysan oo ay haysato xaalad macaluul ah iyada oo Israel ay sii wado joojinta gargaarka bini’aadanimo ee soo galaya dhulkaas.
Wariyaha wararka ee Axios Barak Ravid, oo markii ugu horeysay qorshahan soo gudbiyay, ayaa soo xigtay sarkaal aan la magacaabin oo Israel ka tirsan, isagoo sheegay in hawlgalku uu ku lug yeelan doono barakicinta qasabka ah ee dhammaan rayidka Falastiiniyiinta ee ka soo qaxay magaalada Gaza ee xerooyinka dhexe iyo meelaha kale marka la gaaro Oktoobar 7.
“Go’doomin ayaa lagu soo rogi doonaa mintidiinta Xamaas ee ku haray magaalada Gaza, isla mar ahaantaana, weerar dhulka ah ayaa lagu qaadi doonaa magaalada Gaza” Ravid ayaa ku qoray X, isagoo xiganaya sarkaalka.
Khamiista, kahor kulanka golaha amniga, Netanyahu wuxuu sheegay in Israel ay la wareegi doonto dhammaan Gaza.
Wareysi uu siiyay telefishinka Fox News ee laga leeyahay Mareykanka, Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan dooneyn inay heysato Gaza oo ay ku wareejin doonto mas’uuliyadda gacan saddexaad oo aan la sheegin.
“Ma doonayno inaan sii wadno, waxaan rabnaa inaan yeelano xuduud amni, ma rabno inaan maamulno,” ayuu yidhi Netanyahu
Hadalada Netanyahu ayaa daba socday warbixino ay qoreen warbaahinta Israa’iil horaantii todobaadkan oo sheegayay in hogaamiyaha Israel uu si degdeg ah ugu dhawaaqi doono qorshayaal uu si buuxda ugu qabsanayo guud ahaan marinka Qaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


