HomeWarkiiWasiirada Jubaland oo ka digay qorshaha Dowlada ee Jubaland cusub inuu keeni...

Wasiirada Jubaland oo ka digay qorshaha Dowlada ee Jubaland cusub inuu keeni karo colaado hor leh iyo dagaal khasaare dhaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland,  Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa maanta ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21. oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada iyo Hormartinta dhaqaalaha.May be an image of daisMay be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -