Golaha Wasiirada Dowlada Goboleedka Koonfur-galbeed ayaa maata mar kale waxay kulan ku yeesheen Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Shirka maanta waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaana oo looga dooday  qorshaha Qaran ee dabar-goynta Alshabaab iyo xoreynta deeganada Koonfur Galbeed.
Wasiirada ayaa isla gartay qorshayaal dagaal oo Maamulkaasi uu dib ugu xoreynayo deegaanda alshabaab kaga sugan yihiin sedexda Gobolka ee Maamulkaani ka kooban yahay kuwaasoo kala ah Sh.hoose,Bay iyo Bakool.
Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Faderaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur
ayaa ka qeybgalay shirkaan iyo kuwii ka horeeyay wuxuuna la diyaarinayaa maamulka Koonfur galbeed guluf dagaal oo dhawaan lagu qaadayo dagaaamayaasha Alshabaab.
“waxaa socda qorshe ballaaran oo Khawaarijta looga sifeynayo dhulka ay ka joogaan Koonfur galbeed”ayaa lagu yiri war qoraala oo maamulku kaga hadlayay shirkaan waxa uu ku saabsanaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 person and textMay be an image of 13 people, table and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 9 people, table and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 7 people and text
Previous articleGudoomiye Madaale oo maanta dhagax dhigay dhismaha laami inta u dhexeysa isgoyska Fagax ilaa Xaawa Casir Xaawa Casir+Sawirro
Next articleHowlgal lagu dilay laba Alshabaab ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here