Muqdisho, Diseembar 07, 2023; Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, people studying, newsroom and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and dais
Previous articleSaciid Dani oo u gud-biyay Golaha wakiilada soo saarista lifaaqa 5-aad ee Dastuurka
Next articleMadaxweyne Xasan oo Magacaabay la taliye sare arimaha Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here