HomeWarkiiWasiirada Somalia oo si kulul uga hadlay xad-gudubka Israa'iil ku sameeyay madax...

Wasiirada Somalia oo si kulul uga hadlay xad-gudubka Israa’iil ku sameeyay madax banaanida Somalia

Golaha Wasiirada Somalia oo caawa kulan mudo socday ka yeeshay talaabadii Israa’iil ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland ayay si kulul uga hadleen xad-gudubka Israa’iil ku sameeyay madax banaanida iyo qaranimada Dalka Somalia.

Golaha Wasiirrada wuxuu mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Tallaabooyinka sharci darrada ah ee Israa’iil waxay wiiqaysaa madax-bannaanida Soomaaliya waxayna halis gelinaysaa xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas”ayaa lagu yiri warka wasiirada ka soo baxay

Golaha Wasiirada Somalia waxay intaasi ku sii dareen in dhaqanka noocaan oo kale ah uu sii hurinayo amni-darrada islamarkaana uu ka hor imaanayo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo ilaalinta nabadda gobolka.

Warsaxaafadeedka oo dheeraa islamarkaana ku qoran luuqada ingiriiska halkaan k akhriso isagoo sidiisa u qoran:-

“Duulankaan qaawan wuxuu si gaar ah qatar ugu yahay shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi-Galbeed gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo siyaasada madaama qorshaha loo socdaa uu yahay in halkaasi laga sameysto saldhigyo Milateri oo la doonayo in lagu weeraro dalal kale” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo akhrinayay warsaxaafadeedka

“Dowlada Somalia waxay ugu baaqeysaa Hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobe,Midowga Afrika,Jaamacada Islaamka,Ururka Islaamka,Urur Goboleedka IGAD iyo kan Bariga Afrika inay qeyb ka qaataan arintaan oo Somalia ku taageeran qadiyadeeda saxda ah”ayaa mar kale lagu yiri warka Wasiirada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of textMay be an illustration of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -