MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiiradii ugu badnaa oo ka socda Xukuumada Somalia ayaa saaka gaaray Magaalo Beereedka Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana daris la ah Caasimada Dalka ee Muqdisho.
Wasiirada ayaa shacabka iyo Maamulka Balcad oo uu maro wabiga shabelle waxay u balanqaadeen mashaariic horumarineed oo ay fulineyso Xukuumada Somalia iyadoon beel caalam iyo Hay’ado shisheeye midna wax la weydiisan.
“Warshado waaweyn ayaan ka sameyneynaa degmada Balcad,Soomaaliyana xilligii dibadda lagasoo taakuleyn jiray way ka gudubtay waan isku tashaneynaa” ayuu yiri
Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalo ka jeediyay Magaalada Balcad.
Sidoo kale Gudoomiyaha Balcad Qaasim Furdug oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay inay ka maamul ahaan wasiirada Somalia ka sugayaa n inay dib u howlgaliyaan mashaariicdii hormarinta ee Balcad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
