Waxaa magaalada Muqdisho manta mar kale ka dhacay banaanbax lagu baado goobayo dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 2000 oo loo qaaday laba sano ka hor Dalka Eritrea oo la sheegay in lagu soo tababarayo.

Waxa arintaas ka hadlay Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo sheegayu banaanbax ballaaran ka dhacay magaalada Muqdisho, lagu doonayo in Nolol ama Geeri lagu sheegaa Wilasha ku maqan Eritrea dibna loogu soo Celiyaa dalkoodii hooyo.

Dibad-baxa manta dhyacay oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay madaxda dowladda si geesinimo leh usoo hor istaagi lahaayeen waalidiintaas, islamarkaana ay ka run sheegi lahaayeen xogta rasmiga ah ee dhalinyaradii ay u qaadeen Eritrea.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here