Wasiirka Amniga Galmudug oo amar ku Bixiyey in laga Guuro Xarumaha Dowlada ee magaalada Gaalkacayo

0

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Amray In la baneeyo xarumaha Danta guud ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ay haystaan Shaqsiyaad iyo maleeshiyaad kala duwan.

Wasiirka ayaa sidoo kale Amray Ciidamada Daraawiishtu inay ka baxaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada isla markaana Tagaan xerada Indha Qaris oo ku taala duleedka degaanka Docol.

Wasiirka Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegey Goob lagu soo bandhigayay Qamri ay Ciidamada Booliska soo qabteen isla markaana la bur buriyay.

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug ayaa dhanka kale kulan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo Isku duwayaasha Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda iyi Gadiidka waxaana kulankaan diiradda lagu saaray Caqabadaha Haystay Shaqada wasaaradahaan iyo maamulada.

Dhanka kale wasiirka ayaa hadda kulan la leh Saarkiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug kuwaas oo uu kala hadlayo dib u haynta Ciidamada Galmudug iyo xoraynta degaanada ka maqan gacanta Galmudug.

Hadaba akhriste wasiirka aminga shaarci ma uleeyahay ?

Wariyemaxamed Roorayey

in uu baneeyo guryaha danta guud kasoo aragti dhiibo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here