Wala-weyn (dayniile.com)-Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xassan C/qaadir Maxamed ayaa maanta booqday saldhiga ciidamada Booliiska gaarka ah ee maamulkaasi ay ku leeyihiin Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka waxaa ku wehliyay socdaalkiisa Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo Taliyaha police-ka Maamulka Koonfur Galbeed waxayna hadalo u jeediyeen ciidamada ay booqdeen.
Wasiir Xassan C/qaadir Maxamed ayaa ku baraarujiyay ciidamdaani inay u diyaar garoobaan ka qeybgalka dagaalada ka dhanka ah Alshabaab kaasoo wajigiisa labaad uu qorshuhu yahay in Alshabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan dhulka Maamulka Koonfur-galbeed.
“qabyaaada waa inaad ka fogaataan iyo isku dhaca ciidamada dhexdooda,aadna isku xirnaataan mar kasta”ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM