MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Amniga Somalia C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaan ayaa si kulul uga hadlay banaan baxa ay ku dhawaaqeen mucaaradka inay ku qabanayaan Magaalada Muqdisho sabtida soo socota isagoona si toos ah uga hor yimid inay banaan bax ku dhigaan Magaalada Muqdisho.
Shirkaan maanta ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga waxaan uga hadleynay arintii shalay qalqalka gelisay amniga caasimada,marka koowaad waxaan u hambalyeyneynaa ciidamada Booliiska ,nabad sugida ,kuwa gobolka banaadir iyo xasilinta kuwaasoo kla hor tagay isku daygii afganbi ee shalay sameeyeen mucaaradkla”ayuu yiri Jen. Fartaag
Wasiirka wuxuu carabka ku adkeyay inaysan aqbali karib isu soo bax hub waa weyn lagu dhex wato inuu ka dhaco xaafadaha magaalada Muqdisho.
“Ma yeeleyno mana dhici karo banaanbax dhashiike iyo sabano horkacayaan,Hotelada laguma abaabuli karo Jabhado qaranimada iyo sharafta Soomaaliya kasoo horjeeda” ayuu yiri Wasiir Fartaag oo xarunta Maamulka Gobolka Banaadir uga qebgalay kulan looga hadlayay shaqaaqadii shalay dhexmartay mucaaradka iyo Dowlada.
Wasiir Fartaag wuxuu goobta ka amray ciidamada amaanka isagoo faray inay ka hor tagaan hubka sharci darada ah ee ay wataan mucaaradka islamarkaana ka hor imaanaya xeerka xakameynta hubka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
