HomeWarkiiWasiirka Fartaag oo Dalka Moroco uga qeybgalay shirka INTERPOL+SAWIRRO

Wasiirka Fartaag oo Dalka Moroco uga qeybgalay shirka INTERPOL+SAWIRRO

May be an image of table, lighting and crowdWasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech ee dalka Morocco kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, kaas oo looga hadlayo amniga caalamiga ah, ka hortagga dambiyada xudduudaha, la dagaallanka scam centers-ka, ballaarinta awoodaha booliiska caalamiga ah, kor u qaadista wadaagista xogaha, iyo hirgelinta habraacyada casriga ah ee INTERPOL.

Inta uu shirka socdo, Wasiir Fartaag waxa uu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay xoojiso doorkeeda ku aaddan INTERPOL, hormarinta iskaashiga amni ee caalamiga ah, iyo kasbashada taageero farsamo, tababarro iyo qalabeyn casri ah oo loogu talagalay hay’adaha amniga dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu weheliyo Taliyaha INTERPOL ee Soomaaliya, General Maxamed Cali Dhoorre ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Amniga Dadweynaha ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Mr. Xu Datong. Kulankaasi waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta iskaashiga amniga, tababarrada, qalabaynta hay’adaha amniga, wada-shaqaynta, iyo la dagaallanka argagixisada.May be an image of textMay be an image of one or more people, newsroom, dais and text that says "33333333 33 33ៃ 學里門 ESONALIE SOMALIE"May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -