HomeWarkiiWasiirka arimaha dibada Dalka Jabuuti oo Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka...

Wasiirka arimaha dibada Dalka Jabuuti oo Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM

May be an image of 11 peopleWasiirka arimaha dibada Dalka Jabuuti ayaa booqday Xarunta AUSSOM, halkaas oo uu ku sugan yahay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. Mouktar Osman Karie iyo mas’uuliyiin sarsare ayaa uga warbixiyay ujeedooyinka iyo horumarka laga gaaray howlgalka.

Ka dib waxaa uu u socdaalay magaalada Beledweyne, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda Hirshabeelle iyo Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM C/raxmaan Royale Xareed. Wasiirka ayaa la kulmay maamulada deegaanka & madaxda AUSSOM oo uu kala hadlay dadaallada amniga iyo xasilinta gobolka.

Amb. Karie ayaa sheegtay in booqashadii Wasiirka uu ku yimid ciidamada ay tahay mid niyad dhis ah, iyadoo intaa ku dartay in Jabuuti ay tahay saaxiibka muhiimka ah ee ciidamada AUSSOM, ayna kaalin muhiim ah ka qaadatay xasilinta Soomaaliya.

Wasiir Cumar ayaa xaqiijiyay sida ay Jabuuti uga go’an tahay inay taageerto nabadda Soomaaliya, isagoo ku ammaanay ciidamada nabad ilaalinta ee AUSSOM naf hurnimada ay sameeyeen.

“Waxaan u nimid inaan booqanno ciidamadeena iyo inaan markhaati ka noqonno shaqada muhiimka ah ee AUSSOM ay ku ilaalinayso bulshada,” ayuu yiri, isagoo gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo hoggaanka ciidamada Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, C/raxmaan Daahir Guure ayaa uga mahad celiyay booqashada wafdiga, waxaana uu bogaadiyay sida joogtada ah ee AUSSOM ay ula shaqeyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf, La-taliye sare Amb. Mohamed Idriss, iyo saraakiil sare oo rayid iyo ciidan ah.May be an image of 11 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 17 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 10 people and textMay be an image of 14 people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -