Wasiirka arrimaha dibadda Baxrayn Abdullatif al-Zayani ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay oo rasmi ah ku tagi doona Israel tan iyo markii dalkiisu uu xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Tel Aviv bishii Sebtember.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Baxrayn (BNA), wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo al-Zayani ayaa u duulaya Arbacada magaalada Tel Avive Booqashadaani

waxay iftiimin doontaa fursadaha dhaqaale iyo heshiisyada laba geesoodka ahaa ee lala galay Israel iyo dadaallada la doonayo in lagu gaaro danaha guud, sida laga soo xigtay BNA.

Ma jiraan faahfaahin  intaasi dheer oo la xaqiijiyey oo ku saabsan booqashada  uu al-Zayani ku tago Falastiin  Dhulka Reer Falastiin ee ay yahuudu ayXooga ku haysato, Bishii Sebtember 15, Baxrayn iyo Isutagga

Imaaraatka Carabtu waxay ku heshiiyeen inay Israel la yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed, mid dhaqan iyo ganacsi oo buuxa, kadib markii ay heshiisyo muran dhaliyay ku kala saxiixdeen Aqalka Cad.

Heshiisyadan ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn ballaaran oo ka timid Falastiiniyiinta, oo sheegaya in heshiisyada la iska indhatirayo xuquuqdooda oo aan loogu adeegaynin qadiyadda Falastiin.y

C/#wahaab, Aadan.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here