TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ah masuulka sida weyn ugu hadla dalkiisa tan iyo markii dagaalku bilowday ayaa warbaahinta maanta si kalsooni leh ula hadlay isagoona ka yaabsaday Caddowgooda Mareykanka iyo Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran wuxuu warbaahinta u sheegay in dagaalka iyaga aysan bilaabin oo weerar lagu bilaabay balse hada dhamaadka dagaalka ay iyaga gacanta ku hayaan , Wasiirka arinta yaabka leh uu ka dhawaajiyay ayaa ahayd ineysan waqti xaadirkaan ogoleyn xabad joojin ay la galaan Mareykanka,wuxuuba ku adkeysanayaa iney rabaan in dagaalku sii socdo.
“anaga dagaalka waa nalagu bilaabay laakiin hada anaga ayaa leh go’aanka iyo waqtiga uu dhamaanayo dagaalka,wada xaajood ma rabno sidoo kale xabad joojin ma rabno” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran
Mar uu si toos ah ula hadlayay Mareykanka wuxuu sheegay Wasiirka Iran u hadlay inay jeclaan lahaayeen in dagaalka si fool ka fool ah isu arkaan ciidamada Mareykanka si dagaalku toos u noqdo madaama hada hawada uun dagaalku ka socdo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

GEESI GEESI DHALAY WAA BEEN IN LA JOOJIYO MARNA HAKA OGOLAANINA DAMEERADA-
ISA SOO BAHEEYSTAY MAREEYKAN IYO YAHUUD DAD DAALUMIIN AHA INTA QOF MUSLIM-
OO NOOL YAAN LA JOOJININ DAD QAYAANO WATO AYEEY YIHIIN; WADA ILAA DAGAALKII
SEDDEXAAD KA NOQONAAYO; WAA LABA MUNAAFAQ oo QAAR MUSLIM AHANE LA JIRA: