HomeWarkiiWasiirka Arimaha Dibada Jabuuti oo Baladweyne lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti oo Baladweyne lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Hirshabelle mudane Cabdi Daahir Guure karoore, iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye, xubna ka tirsan Golayaasha Dowladda Hirshabelle, maamulka heer gobal iyo Heer degmo, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Iyo boqolaal dadweyne oo ka’tirsan Qeeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif international ku soo Dhaweeyey wafdi balaaran ee uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada ee jamuuriyada aan Walaalaha Nahay ee Djibouti mudane Cabduqaadir xuseen Cumar.

Wafdiga ayaa salan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM ee qeeybta ka ah howlagalka AUSSOM ,

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in soo gaarista wafdiga Ka socday jamuuriyada Djibouti, ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ku soo gaareen aay sharaf u tahay midaas oo muujineeyso abaalka Dowlada Djibouti aay si gaara ugu leeyahiin shacabka reer hiiraan oo Cutub-yadoodii ugu horeeyey aay ka hoowl galeen Ee ciidamada Hiil-walaal.

-DHAMAAD-
WIXII FAAH-FAAHIN AH KALA XERIIR XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA GOBALKA HIIRAAN EE DOWLADA HIRSHABELLE.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -