Muqdisho (dayniiile.com)-Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa warbaahinta Dowlada kala hadlay arimo ku saabsan dagaal beeleedyada dalka ka socda.
Wasiir Fiqi wuxuu jv11ka qaaday in baaritaano ay Dowladu sameysay ay u cadaatay  in dagaalada beelaha ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada ay si toos ah u hurineyso Kooxda Al-⁸shaab.
“Madaxweyne Xasan iyo Imaamka Muddulood ayaa tagay Caddale way soo xaliyeen  markey ka soo laabteen waxaa tagay Madaxweynihii hore Sh.Shariif markuu ka yimid dib ayay u bilaabatay, taasaa noo cadeysay sheekadu qabiil ka weyn tahay oo Alshabaab ay ka danbeyso”ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Dhanka kale maalmo ka hor Wasiirka gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sidaan oo kale u sheegay in dagaalka qabyaalada ku saleysan  ay Alshabaab maalgelinayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDowlada oo soo qabatay odayaashii ka dambeeyay dagaal Beeleedka Sh.dhexe
Next articleTaliska Atmis oo Kismaayo Tababar ugu sameeyay Booliiska Jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here