Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ku Eedeeyay isimada Dhaqanka gobolka Nugaal in aysan waxba ka qaban Dadka diidan doorashada 3da Degmo.

Wasiir Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay inay Irdaha soo garaaceen gargaraaceen isimada Dhaqanka gobolka Nugaal maalintii doorashada dhacaysay, si ay wax uga qabtaan cidda Garowe kahor is taagsan iney doorashada ka dhacdo.

Advertisement

Wasiir Juxa ayaa Tilmaamay inay diyaar u yihiin in ay Wada hadal ka galaan wax kasta oo la tuhmayo oo ku saabsan arrimaha doorashada, balse  wuxuu sheegay in aysan suurtagal ahayn in wax ka dhaxeeya Puntland loo dhigto isbaaro.

Ugu dambeeyntii Wasiir Cabdi Faarax Saciid  Juxa ayaa sheegay cidda dhibaatada ka wadda Magaalada Garowe inay yihiin afar wiil oo ilmo adeer ah oo uu sheegay inay doonayaan inay afduubtaan masiirka ummadda reer Puntland

Previous articleMUQDISHO: AGAASIMEYAAL LA SOO TAAGAY MAXKAMAD
Next articleMuuse Biixi: “Somaliland maalin qura weerar kuma qaadin Laascaanood, xabadna ma billaabin in lagu soo rido mooyaanee”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here