Muqdisho (dayniiile.com)-Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arin hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada oo ah in Wiil Macalin ka ahaa Jaamacada ummada uu isku dhiibay Alshabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay inuu la yaabay markuu maqlay Nageeye Cali oo hal mar u wareegay dhanka Alshabaab xili uu xamar ka ahaa qof shacaba ah Abwaan ah islamarkaana Barre Jaamacadeed ah.

Advertisement

“waad arkeysaan shalay nin halkaan nala joogay  noo sheegay inuu abwaan yahay noo sheegtay inuu wadani yahay , ayaa hal mar naloo sheegay inuu baxsaday , gabayadiisii markii dib loo dhageystay anigu maba dhageysan jirine waaba la yaabay siduu dadakaan u dhex joogay mise haduu soo daayay”ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha

Axmed Macalin Fiqi wuxuu muujiyay ineysan ahayn markii ugu horeysay oo arintaan oo kale ay dhacdo, wuxuuna xusay inay  hore sidaas oo kale u dhacday.

“Nabad sugida kuwa ku jiray baa fakaday,booliiska kuwa ku jiraa fakaday,Milatariga kuwa saraakiil inta la qabtay la toogtay qaarna ay galeen,sidoo kale waad maqleyseen gudoomiyaha Baarlamaanka darwalkiisii, waa la is dhexgalay ,eedaas is dhex galkana dowladii horaa bixisay, Dowlladaana laguma dhaliili aro laakiin hada waa la kala soocmay”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

 “ waa Alle mahadiis Haddii Nageeye Cali Khaliif uusan isku qarxin halkaan oo kale” ayuu yiri Wasiirka xili uu xalay ka ka hadlaayay munaasabad lagu soo dhaweynaayay Hogaamiyaha SSC Qatumo.

 XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDEG DEG; Dab aad u xooggan oo caawa ka kacay Xarunta Xalane+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Saciid Dani iyo Mucaaradkiisa oo mar kale ay ka dhex qaraxday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here