Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa dalka Serbia.

Saraakiishu Ruushka ayaa sheegay in dhowr waddan ay ka hor istaageen diyaaradiisa in ay soo marto hawadooda iyaga oo diiday in ay oggolaadaan.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya afhayeenka wasaarada Maria Zakharova ayaa yiri: “Wafdiga Ruushka waxay ahayd inay Belgrade u yimaadaan wadahadal, laakiin Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah NATO ayaa xidhay hawadooda.”

Lavrov ayaa sheegay in uu hadda ku casuumi doono dhiggiisa Serbia Nikola Selakovic in uu ku soo booqdo Moscow, isaga oo intaa ku daray: “Ma jirto cid awood u leh in ay burburiso xiriirka aan laleenahay Serbia”.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here