MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ayaa xalay xirey wadooyinka Muqdisho ugu mihiimsan sida wadada Maka-Al-mukarama iyo kuwo kale madaama la sheegay inuu Magaalada Muqdisho saaka imaanayo Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha balse isbadal ayaa dhacay.
Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha waxaa la xaqiijiyay inuu ka baaqdsaday imaanshihiisa Magaalada Muqdisho taasina waxay keentay in goor dhawayd dib loo furey wadooyinka oo xanibaad ay soo wajahday isku socodka dadka iyo gaadiidka.
lama yaqaan sababta keentay inuu baaqdo balse waxaa lagu wadaa in Masuuliyiinta Dowladu warbaahinta la wadaagaan sababta baaqashada xili lla diyaarinayay soo dhaweyntiisa shalay oo khamiis ilaa maanta oo jimco ah.
Wasiirka wuxuu maalin ka hor soo gaaray Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya halkaasoo qorshaha uu ahaa inuu kaga soo gudbo Magaalada Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
