HomeWarkiiWasiirka Arrimaha Dibadda Somalia muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Amiir Faisal bin Farxan Al-Saud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga.

Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Sacuudiga taageerada cad ee Boqortooyada Sacuudiga ay u muujisay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Sacuudiga, kaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Amiir Faisal bin Farxan ayaa xaqiijiyay garab-istaagga joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudiga ay u hayso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay Sacuudigu siinayso xasilloonida, amniga iyo horumarka Geeska Afrika, iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.May be an image of ‎one or more people, map and ‎text that says "‎* وزارة الشؤن الخارجيه والتعاون الدولي Cooperation International and Affairs Foreign of Ministry 的有料 صاحب ا الأمير فيصل فرا اماوتقننمانلعود wig الخارجية المملكة العريية السعودية معالي السيد عبدالسلام عبدى علي rjg رالشؤون الخارجية والتعاون الدولي جمهورية الصومال الخبدرالية f x MOFASOMALIA MFA.GO MFA.GOV.SO‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -