Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ku eedeeyay in uu ka dambeeyay jabhadda Buurta Gacan-Libaax.

Kaahin ayaa Cabdiraxmaan Cirro usoo jeediyay in uu buurta kasoo dejiyo Jabhadda Hubeysan ee ku sugan maadaama uu tilmaamay in Ragga ugu sarreeya jabhaddaas ay joogeen gurigiisa waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Advertisement

Maxamed Kaahin ayaa Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbigiisa Waddani ku dhaliilay in buuq & rabshado xooggan ay gelinayaan xasiloonida Somaliland balse waxa uu usoo jeediyay in uu ka fogaado arrimahaas.

“Maanta xaaladda jirta ee ka hadleysa arrinta buurka waxa ay mas’uuliyaddeeda si toos ah u saaran tahay Cabdiraxmaan oo caddeynteeda waala keenaa, Raggaas waxa ay codsadeen in waqti la siiyo & in aan ciidanka halkaas loogu tegin, in buurtaas ciidanka laga soo dejiya kuma xirna Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha Gudaha, Taliska Booliiska & dhinac kale balse waa mid ku xiran Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani, waxa ay sheegayaan in masiibo & dhibaato ay jirto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaana uu soo jeediyay in aan la isku dabrin Doorashada iyo amni darrada maadaama xasilooni darradu ay ka dhalaneyso dhibaatooyin badan loona baahan yahay in laga hortago kahor inta aanay taladu faraha ka

Previous articleCiidamadda Dawlada oo la wareegaay degmada Runirgood iyo degaanka Hilowle -Gaab
Next articleMaxaa kasoo baxay shirka looga arrinsaday howlgallada Militari ee lagu wajahayo Bariga Gobolka Galgaduud?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here