Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay Shirweynaha qaran ee Barakaca Qasabka ah ayaa sheegay in dhowaan la bixinayo aqoonsi dadweyne (National ID).

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS ayaa sheegay in adeeggaan uu muhiim u yahay xogta qofka si loo saldhigo barnaamijka xasilinta & in uu muwaadinku helo aqoonsi dhammeystiran.

Fiqi ayaa intaas ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii maamullada qaybaha hoose Bulshada loo gaarsiin lahaa si Dadku ay u doortaan qofka ay xilka ku aaminayaan loogana gudbo nidaamka xulashada (Doorashada Dadban).

“Dalka waxa uu dhowaan yeelanayaa diiwaangelinta madaniga oo waxaa la bixinayaa aqoonsigii dadweynaha (National ID) oo qayb weyn ka qaadaneysa in la helo xogta dhammeystiran ee Muwaadiniinta Dalka” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Qoysas badan ayaa ka barakacay labo xaalad oo kala ah: Abaar ka jirta Gobollada Dalka oo Dadka & Duunyadu ay ku dhinteen iyo colaadda oo ah aafo kale oo sal kicisay boqolaal ruux oo doorbiday in ay ku noolaadaan meelaha ay u arkaan in ay nabadgalyo ku helayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here