Madaxtooyada Soomaaliya ayaa 20-kii Bishii Octoober ee sanadkan 2022 shaacisay in dowladda Somaaliya ay ku guuleysatay toosinta iyo dhameystirka heshiiskii wadaaga wax soo saarka shidaalka ee lala galay shirkadda Coastline Exploration ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Heshiiskaas ayaa dowladdu sheegtay inay la kaashatay dib u habayntiisa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayna ku guuleysatay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada, hayeeshee Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijijey inaysan jiirn wax weyn oo laga bedelay heshiiskii Shidaalka ee dowladda Soomaaliya la gashay Shirkadda Coastline Exploration oo hore loo diiday.

Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Idaacadda Voa-da wuxuu sheegay in 5 qodob oo aan aheyn arrimo waaweyn kaliya wax laga bedelay heshiiska,hayeeshee dib u eegis kale lagu sameeyay, isaga oo ka gaabsaday ka hadlida heshiiskii isaga ka horreeyay.

Sidoo kale Wasiirka qodobada heshiiska laga bedelay ayaa waxaa uu ku sheegay Adeegga Saadka,  amniga iyo Arrimaha kale oo gudaha ah iyo Arrin ku saabsan (Xaalad hubanti la’aan ah, wixii qalab ama hantida haraaga ah ay yeelan doonto dowladda Soomaaliya & in  Heshiiska uusan saameyn karin isbedello yimaada sida Canshuuraha, taasoo la isla gartay, laakiin Wasiirka la siiyey inuu soo saari karo Shuruuc iyo Canshuuraha iyo Qodob ku saabsan haddii Heshiiska lagu wareejinayo Shirkad ama saami dad kale oo lagu caddeeyay dadka Saamiga leh ee lagu wareejin karo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in qodobadaas uu sheegay ay ahaayeen kuwo la saxay oo muhiim u ahaa heshiiska kadib markii ay la tashadeen sharci-yaqaano, waxaana xusid mudan in heshiiska ay kujiraan qodobo badan aan wax laga bedelin, sida qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku caddahay in Soomaaliya waxa loo yaqaan Royal-tiga ay leedahay: 5%, faa’iidadana loo qeybsan doono si isla mida 50% iyo 50%, canshuurta laga qaadayo faa’iidada ay tahay 30%.

Bishii Febaraayo ee snadkii 2021 ayaa waxaa dalka Turkiga lagu saxiixay Heshiiska Wax-soo saarka wadaagga ah ee Shidaalka Soomaaliya , kaas oo khilaaf weyn dhaliyey, iyada oo xilligaas ay sharci darro ku tilmaameen madaxweynihii xilligaas Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo iyana siyaasadda isku diidanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here