Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xaruntooda kulankii 19- aad ee Kalfadhiga 6-aad iyada oo uu shir Guddomiyey guddomiye, Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.
Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddomiye Ku-Xigeenka 2-aad, Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 2-aad ee Sharciga Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor Akhriyay Golaha warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.
Intaasi ka dib ayaa Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan howl-wadeeno ka socday wasaaradda ayaa hor yimid Aqalka Sare.
Wasiir Beyle ayaa la weeydiiyey Su’aalo ku adaan Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka. Wauuna ka jaawabay sualihi ay weeydiyeen Senatarada.
Ugu dambeyntii waxan shirka soo xiray guddomiye Ku-Xigeenka 2-aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad oo shegay in dooda akhrinta 2-aad ee Sanatarada lagu soo daro sharciga.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292
MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934
Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com
TEL 00252618895064