Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa inta uu joogo Dooxa waxuu dhigiisa Qatar la qaadayaa kulamo looga hadlayo horumarinta Iskaashiga Caddaaladda iyo arrimaha la xariira ee labada dal, sida Xabsiyada iyo Dhaqan-celinta, Danbi-baarista iyo Sarraynta sharciga.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa sidoo kale booqanaya hey’ado iyo xarumo kale oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, qaanuunka iyo cilmi-baarista.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay waxuu safarro kale oo lagu xoojinayay tayada Caddaaladda ee dalka iyo xiriirrada aan dunnida kale la leenahay ku tegay wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Masar, Ciraaq, Marooko, iyo Talyaaniga.
Previous articleAxmed Madoobe oo daah-furey shirweynaha Machadka tababarka Garsoorka dalka.+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Af-hayeenkii hore ee Booliiska oo xilka ku wareejiyay Afhayeenka cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here