HomeWarkiiWasiirka Cadaalada oo uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta Hindise sharciyeedka Cadaalada...

Wasiirka Cadaalada oo uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta Hindise sharciyeedka Cadaalada Da’yarta  Soomaaliyeed+SAWIRRO

May be an image of dais𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟓 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓: 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚’𝐲𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo Sanatarrada Aqalka Sare xilkasnimada ay muujiyeen kuna ansixiyeen Hindise sharciyeedkaan. isagoo xusay in sharcigan uu dhisayo nidaam caddaaladeed oo u gaar ah da’yarta, kaas oo mudnaan siinaya anshax-toosin, dhaqan-celin iyo ilaalinta xuquuqda carruurta.

Wasiir Xasan macallin oo ka hadlay muhiimadda Sharcigan ayaa sheegay in sharcigu si cad u kala saarayo carruurta iyo dadka waaweyn marka loo eego dacwad-oogista iyo nidaamka dhaqancelinta, isla markaana dhisayo hannaan boolis, xeer-ilaalin, maxkamado iyo ansax-toosin oo da’yarta Soomaaliyeed u gaar ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in sharcigan uu la jaanqaadayo Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa in Soomaaliya ay dooratay caddaalad miisaaman oo badbaadinaysa rajada jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.

— Dhammaad —

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha

Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha DastuurkaMay be an image of dais, newsroom and textMay be an image of daisMay be an image of dais and textMay be an image of dais and textNo photo description available.May be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -