MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya islamarkana ah Gudoomiyaha Gudiga Dowlada ugu qaabilsan wada-hadalada Mucaaradka Xasan Macalin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Wasiir Xassan Macalin wuxuu kala hadlay James Swan arimo dhowr ah sida wada-shaqeynta Dowladu la leedahay Hay’ada Qaramada Midoobe iyo sidoo kale horumarinta Dowlad dhiska Soomaliya.
Sidoo kale Wasiir Xasan Macalin waxay isla soo qaadeen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliy  xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Qodobada labada Masuul ka wada hadleen waxaa sidoo kale ka mid ahaa shaqada Wasaarada uu Wasiirkaani madaxda ka yahay ee arrimaha caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


