ANKARA (DAYNIIILE.COM)-Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa ka halday arinta wiilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed Xasan Sheekh uu shilka gaari ku dilay nin u dhashay dalka Turkey.

Wasiirka oo arintaan soo hadal qaaday ayaa sheegay in Maxamed Xasan Sheekh uu dhawaan Dalkoodu ku laaban doono islamarkaana uu Maxkamada Turkey ka soo muuqan doono.

Advertisement

Warbaahinta dunida ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay aad u hadal hayeen war ah inuu baxsaday wiilka Madaxweynaha Soomaaliya markii shilka galay lana xirey kadibna la sii daayay.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara sida ay sheegay idaacada BBC-da  ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka islamarkaana uu eedeysanuhu maalmaha soo socda maxkamadaha Turkey hor tagi doono.

Warar kala duwan ayaa warbaahinta Turkey laga helayaa iyadoo wasiirka laftigiisu qiray in markii hore wiilka Madaxweynaha lagu sii daayay markii shilka lagu eedeeyay inuu qaladka lahaa marxuumka balse baaritaano danbe iyo qabiiro loo direy goobta shilka hadana lagu ogaaday in marxuumka uu dhinac uga baxay gaariga balse wiilka madaxweynaha oo xowli ku socday uu ku dhacay si toos ah mootadii uu watay marxuumka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo laftigiisu ka hadlay arintaan ayaa u sheegay wakaalada wararka AP in wiilkiisa uusan baxsad ahayn islamarkaana arimo shaqadiisa la xiriirta uu uga dhoofay dalka Turkey hadana uu ku laabanayo si uu maxkamada u hortago.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Wasiirka Cadaaladda Turkiga

Previous articleYuhuuda oo qiratay inay si qaldan ugu dileen Gaza sedex ka mida la haystayaasha
Next articleKulan Muqdisho ku dhexmaray qaar ka mida Maamul Goboleedyada iyo Hay’ada Maareynta Masiibooyinka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here