Wasiirka Warfaafnta maamulka Puntland ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Garowe wuxuu kaga hadlay hadlay gogosha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda isagoo ugu horeyn ku tilmaamay shir la mid ah kii daanyeerada.
Wasiir wuxuu si gaar ah uga hadlay siyaasiyiin reer Puntland ah oo shirka Muqdisho ka qeygalaya,wasiirka wuxuu guud ahaan siyaasiyiinta ku tilmaamay kuwo aan wax saameyn ah ku lahayn deegaanada ay ka yimaadeen islamarkaana danta laga leeyahay ay tahay sida uu sheegay inay xasarado ka ridaan deegaanadii ay ka yimaadeen.
“waxaa ka mid ah barakacayaashii Puntland u soo saaqiday ee xilalka ka waayay ,ku guul dareystay doorashooyinkii Puntland ka dhacay”ayuu yiri wasiir Ceydiid
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayuu durey wasiir Ceydiid inkastoo uusan ku sii dheeraan.
Wasiirka oo hadaladiisa sii wata ayaa siyaasiyiinta reer Puntland u adeegsaday ereyo si uun xad-gudub ugu ah.
“kuwa puntland ka soo jeeda waa kansar dadka reer Puntland iska jareen dina uguma soo laabanayaan”ayuu yiri Wasiir Ceydiid
Hadaba faahfaahinta hadalada wasiirka halkaan ka daawo:-
