Wasiirka ciyaaraha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Barre ayaa markii ugu horeysay ka shifay tacadi si joogto ah uga dhici jirey garoonka Satafium Muqdisho markii uu socday tartankii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka oo dhinacyo badan laga wareystay mar uu u waramayay wariye Xuseen Cabdulle ayuu sidoo kale ka haslay sababtii puntland uga hartay taranka.

Advertisement

Wasiirka wuxuu sheegay in tartankaba la qaban lahaa bilowga sanadkii 2023-kii balse sababta uu usoo garay dhamaadka 2023 ayba ahayd sugid la sugaayay Puntland oo marba cudur daar la imaaneysay.

“Mar danbe ayay toos noogu sheegeen in arimo siyaasadeed darteed madaxda puntland ay diideen iyagoona dhahaya waanba ka baxnay dowlada”ayuu yiri Wasiir Naxamed Barre.

Wasiirka dhanka VIP-da iyo tacadiyadii la dhigi jirey mar uu soo hadal qaaday ayuu ka shifay arin uusan sheegin intii tartanku socday.

“Waxaa jirtay in VIP-da lacag badan ay lagu gali jirey balse dadka iibsada kuraasta  VIP-da waxaa ka xoogi jirey madax iyo saraakiil shaati dowla wada  xiran”ayuu yiri Wasiirka .

Hadaba tacadigaan Wasiirku ka sheekeynayo iyadoo faahfahsan halkaan ka daawo muuqaal uu leeyahay wariye xuseen Cabdulle..

Previous articleHaweeneey goor dhaw ninkeeda ku dishay Muqdisho
Next articleDAAWO: Af-hayeenka Booliisa oo ka warbixiyay dhacdooyinkii ugu danbeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here