Mandheera (dayniiile.com)-Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa maalmo ka hor Mandheera ka sheegay hadal ka careysiiyay Culumaa’udiinka Ahlu suna wal-jameca kaasoo keenay hadal heyn badan oo dhanka baraha bulshada iyo warbaahinta Kenya.
Culumaau’duunka Suufiyada ama Ahlu suna ayaa ka dalbaday Wasiir Aadan Barre Ducaale inuu raali gelin ka bixiyo hadalka ay ka caroodeen.
Wasiirkaan ayaa mar uu ka qeyglayay furitaanka Masjid cusub oo laga hirgeliyay Mandheera wuxuu ka yiri Masaajidka maamulkiisa yaan loo dhiigin Suufiyada iyo Takfiirka.
Ugu danbeyn Wasiirka ayaa garowday qaladka ka dhacay aqbayna inuu raali gelin ka bixiyo,wuxuuna si cad raali gelin uga bixiyay warkaasi gafka ahaa ee ka dhacay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleErdogan oo Biden kala hadlay joojinta Dagaalka Gaza
Next articleMadaxweyne Xasan oo Maanta Uganda ku saxiixaya ka mid noqoshada Dallada Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here