Qaahira (dayniiile.com)-Wasiirka Gaashaandhigga ee Masar ayaa ka hadlay Xaalada shacabka reer Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza isagoo ka deyriyay xaalada dadkaasi shacabka ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Masar Mohamed Zaki ayaa Isniinta maanta ah  sheegay in arrinta Falastiiniyiinta ay wajaheyso xaalad khatar, isagoo tilmaamay in waxa socda ay yihiin ku tala gal lagu doonayo in lagu baabi’iyo dadka Falastiin.

Advertisement

Wasiir Maxamed Zaki wuxuu hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu furaayay bandhigga warshadaha difaaca iyo milatariga taasoo lagu qabtay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, iyo tiro ka mid ah wasiirrada  iyo madaxda shaqaalaha ee dalal dhowr ah.

“arrinta Falastiiniyiinta waxay wajaheysaa arrimo aad khatar u ah, xasaasina ah iyo waliba sara kac ciidan oo aan la kala saarin oo sii kordhaysa”ayuu yiri Wasiirka difaaca ee Masar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

وزير الدفاع المصري محمد زكي

Previous articleHowlgal ka dhan ah Alshabaab oo maalintii labaad ka socda Gobolka Hiiraan+SAWIRRO
Next articleXamaas oo dagaal adag kula gashay Isra’iil Waqooyiga Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here