Diinsoor(dayniiile.com)-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur  ayaa ka dhawaajiyay qorshaha dagaal beeledyada Dalka ka jira yihiin kuwo sidii lagu yaqaanay ku bilaabanaya balse ay yihiin kuwo la qorsheeyay.

Wasiirka wuxuu carabka ku dhuftay in Kooxda Al-shabaab ay ka danbeeyaan guud ahaan dagaal beeleedyada ka socda Gobolada Dalka.

Advertisement

“Ujeedku waa inay ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda ka mashquuliyaan dagaalka iyaga ka dhanka ah “ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadaladaan ka sheegay kulan ka dhacay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay kaasoo lagu heshiisinayay laba beelood, sidoo kale Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa la socday.

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen laftiisu wuxuu sheegay in dagaal beeleedyada ay yihiin qorshe Maamulkiisa looga mashquulinaayo dagaalada hada bilowga ah ee ay doonayaan inay Alshabaab isag kacshaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSaciid Dani oo booqday Xarumaba warbaahinta Maamulkiisa+Sawirro
Next articleAadan Barre Ducaalle “Alshabaab hada kadib weerarkeey soo qaadaan waxaa masuuliyada qaadaya ismaamulada Soomaalida” 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here