Wasiirka Difaaca Dowlada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu si weyn ugu difaacay Sanatarada Dalka Mareykanka Ilhan Cumar oo asalkeeda yahay Soomaali markii iyada darteed Madaxweynaha Mareykanka uu u aflagaadeeyay Somalia.
Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u dhignaa:-
Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin, balse Gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay.
Soomaalidu waa dad fac weyn, taariikh fog leh, Meesha ay ku nool yihiin ka muuqda, dunidana ka tilmaaman, intaasna waxa jiri kara kuwo dhibsanaya.
Xildhibaanad Ilhaan waa tusaale lagu dayan karo, waa gabar kartideeda ku meelmartay, ayada iyo afkaarta ay xambaarsan tahay waxay yeelan karaan kuwa dhibsada, sida kuwa kaleba afkaar kale oo qalafsan u yeelan karaan, laakin taas marna dalka ay ku dhalatay kuma eedaysna, loomana eedayn karo!
Soomaaliya waa dal jira, oo inta cid walba ku naaloonayso hiigsanaya, wadadeediina ku jooga, fadhiya golaha ammaanka, ku hawllan taxaddiyaadka haysta sidii looga gudbi lahaa.
