Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, kuwaas oo hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka.
Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta.
Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo in ay Khawaarijta kala soo baxaan godadka ay dhuumanayaan.
Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad dhiiri-gelin ah i jeediyey ciidanka ayaa sheegay in balantu tahay in ay socodka dambe isku arkaan deegaano cusub oo cadowga laga xoreeyey.
XIGASHO WARBAAHINTA May be an image of 7 people and rhinocerosMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and rhinocerosMay be an image of 9 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people and motorcycleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people
Previous articleYuhuuda oo markii ugu horeysay cabsi uga baxeysa xaafadaha ku dhaw GAZA
Next articleSoomaaliya iyo Jaamacada Carabka maxay ka wada hadleen?+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here