HomeWarkiiWasiirka Gaashaandhiga muxuu kala hadlay Safiirka Dalka Britain u

Wasiirka Gaashaandhiga muxuu kala hadlay Safiirka Dalka Britain u

May be an image of 2 people, newsroom, dais and textWasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King, safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska.
Kulanka ayaa lagu lafaguray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhanka amniga, tababarada iyo la dagaallanka argagixisada.
Wasiir Fiqi iyo Danjire Charles ayaa si qoto dheer uga wadahadlay sidii iskaashiga labada dal uu gacan uga geysan lahaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga, la dagaalanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha la xiriira taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.May be an image of 4 people, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 3 people, the Oval Office and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people, the Oval Office and daisMay be an image of 2 people and suitMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, suit and the Oval OfficeMay be an image of 1 person, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -