Milateriga Somalia oo kaashanaya kuwa Howlgalka AUSSOM ayaa maanta kooxda Alshabaab waxay ka saareen deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose kadib duulaan ay ku qaadeen.
Howlgalka Ciidamada Dowlada iyo AUSSOM isla fuliyeen waxay ku dileen tira ka mid ah kooxda Alshabaab xili ku howlanaa dhibaataynta shacabka sida Dowladu ku shaacisay warbaahinteeda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay guusha maanta ay gaareen ciidamada Dowlada kadib dagaal socday mudo sedex maalin ah ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamada Xooga islamarkaana ugu danbeyn lagu jabiyay Alshabaab.
Howlgalkan wuxuu daba socdaa howlgal cusub oo Dowlada Somalia dhawaan ku dhawaaqday inay ku dooneyso inay deegaano badan Alshabaab kaga saaraan ka hor inta aysan dhamaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




