Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirrada Difaaca Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Millateriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Wasiirka ayaa kaga warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka Khawaarijta Argagixisida.

Advertisement

Dhanka kale kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagay khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowladda Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga ah iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleDuqeymo Alshabaab lagula beegsaday koonfurta Gobolka Mudug
Next articleMaxkamada Racfaanka G/banaadir oo dib u dhigtay su’aalo weydiinta eedeysane maxkamada saarnaa sababo caafimaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here