Bulsho waynta Somaaliyeed Qeybaheeda kala duwan waxay ku jiraan Dagaal ka dhanka ah Alshabaab kaas oo ku qotoma difaacidda Qaranimadda & madax banaanidda dalka Somaaliya madaama shabaabku ay kusoo duuleen Dalka & Diinta

Muwaadin kasta ee Somaaliyeed ee dagaal kula jira Al shabaab waxuu Mudan yahay dhiiro galin & garab istaagid taa badallkeeda Waxaa dhacday Ciidamada ku sugan Goobo ee Aaga Wabxo in laga jaray mushaarki ay qaadan jireen

Mar waxlaga waydiiyay taliyaha Ciidanka xooga dalka iyo wasiirka Gaashaandhiga sababta Ciidamadda ku sugan Goobo ee Aaga Wabxo mushaarka looga jaray kaligood waxay Sabab uga dhigeen in ay kasoo tageen shaqadi looga talo galay isla markaasna ay soo faarujiyeen Qeybtii ay ka tirsanaayeen

Shaqada loogu talo galay ma in aan shabaab lala dagaalamin miyaa ? Maxay tahay shaqada ka fiican ee Maanta dalka laga qaban lahaa ee aan ka ahayn in Al shabaab dalka laga xoreeyo Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamadda xooga Waxaa looga baahan yahay inaysan siyaasadeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab

madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud iyo Raiisul Wasaare Xamza Cabdi Bare Waxaan ka codsaneynaa inay soo faragaliyaan masuuliyad darada baahsan iyo ku xadgudubka lagu hayo ciidanka ku sugan Aaga Wabxo

Siyaasi Ibraahim Mahadale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here