GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Puntland C/Fataax Maxamed Cabdi nuur ayaa ka hadlay xaalada dagaalka ay kula jiraan Daacish iyo inta uu dhan yahay dhulak wali ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish.
Masuulkaan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa daboola ka qaaday in ilaa hadda kooxda Daacisha laga saaray boqolkiiba 95 dhulkii ay haysteen.
“Dagaalkan ayaa ka socday muddo sanad ka badan buuraha Calmiskaad, waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, hada waa gabaabsi oo inta badan waan ka saarnay dhulka Puntland” ayuu yiri Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Puntland
Inkastoo Masuulkaani qirey in wali Daacish ay heystaan goobaha qaar hadana wuxuu sheegay in magaaloyinkii iyo deegaanadii ugu badanaa ee ay saldhigyadii ku lahaayeen laga saaray oo ay hada ciidamadoodu maamulayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
