Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka oo furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada Gargaar

0

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada Gargaar ee asaasiga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socota Dowlad goboleedka Galmudug iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgalla dalka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu baaqay Hay’adaha aan dowliga aheyn in ay ku badiyaan adeegga ay bixiyaan guud ahaan dhulka degaannada Galmudug.

Masw’uuliyiinta ka socday Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xoojin doonaan sidii loo dardar gelin lahaa sidii degaannada Galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka Aas’aasiga ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here