Waxaa Xalay xafladii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee loogu dabaal dagayay xuska kowda Luulyo ka dhacday arin la yaableh oo  Barahha bulshada aad loogu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay.

Advertisement

Wasiirka haweenka iyo xuuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye  ayaa xalay la arkayay ayada oo raadinaysa taleefankeedii gacanta oo ay waysay.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiir Khadiijo oo taagan masraxa xafladda, isla-markaana raadineysay taleefankeeda.

“Taleefoon yaa inta ka qaaday?” ayey ku tiri muuqaalka la baahiyay oo si u weyn u qabsaday baraha ay ku wada xiriirto ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay dadka meesha joogay weydiisay cidda qaatay moobeylkeeda oo ay saaratay miis yar oo meesha yiilay.

Nairobi Kenya

 

Previous article100 milyan euro weeraryahan oo ku biiri doona Manchester United ama Real Madrid
Next articleHaweeneyda xayeysiisa dharka ee Naomi Campbell oo dhashay iyadoo jirta 53 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here