Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadalka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taagero fursamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka.

Advertisement

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kale duwan maanta uu ugu dambeyn dhaqangalay oo daahfuray. Waxa uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliiyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug Mudane Farxaan Cali Maxamuud oo magaca Wasiirada Dowlad Goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka. Waxa sidoo kale shirkaan hadal ka jeediyay Kusimaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa sido kale ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Hey’addaha Dowladda Federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maalgalinaya.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleZ Flip 5 vs. the Competition: Is Samsung’s Foldable the Game-Changer We’ve Been Waiting For?
Next articleDAAWO VIDEO: Danjire Tarsan iyo Wasiirka difaaca Kenya oo booqday ciidamo Somali ah caafimaad ahaan loo geeyay Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here