Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka uga qeyb galay shir ay yeesheen Hoggaamiye yaasha Madaxda Maaliyadda Dalalka Afrika iyo madaxda sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Kulanka Wasiirk iyo Hoggaamiye yaasha Madaxda Maaliyadda Dalalka Afrika iyo madaxda sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa diiradda waxaa lagu saarnay dib-u-eegista dhaqaalaha iyo saameynta Maaliyadeed ee isbaddalka cimilada.
Qoraal uu soo dhigay Wasiirka maaliyadda bartiisa Facebooka ayuu ku yiri, “Dhinaca Soomaaliya, waxa aan la wadaagay dadaalka adag ee aan ugu jirno sidii loo kobcin lahaa dakhliga gudaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda oo saameyn muuqato kuleh soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.”
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka booqasho u jooga, isaga oo halkaas uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.



