Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.
Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan horey loogu heshiinin.
Shirka Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Fecebooka ayuu Wasiir Cilmi ku yiri “Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative), Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”.
Shirka Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socdag Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika.