Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo ku-simaha ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, ayaa si wadajir ah u gudoominay kulankii ugu horeeyay ee Kooxda Maareynta Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee loo kala horreysiin karo, lana iskugu-dubbaridi lahaa dhaqalaaha Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya XFS, Mudane Xirsi Gaani, Agaasmiga Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan Cumar iyo wakiillo ka kala socday Saaxiibada Soomaaliya sida Switzerland iyo Norway.
May be an image of 9 people and text that says "EXIT"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text
Previous articleWasiirka Warfaafinta oo Saxafiyiinta Digniin adag u jeediyay
Next articleDowlada Somalia iyo Midowga Afrika oo laga dalbaday inay sameeyaan qiimayn farsamo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here