HomeWarkiiWasiirka Wafaafinta Puntland "Hadalkii Wasiiru-dowladdaha gaanshandhiga waxaa xigay hadalka Xassan ee maanta...

Wasiirka Wafaafinta Puntland “Hadalkii Wasiiru-dowladdaha gaanshandhiga waxaa xigay hadalka Xassan ee maanta uu yiri Kaarka Nira As ha qaadato”

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Wafaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ka hadlay hadal maanta ka soo yeeray Madaxweyne Xassan kaasoo ahaa in Alshabaab qaadan karaan Kaarka NIRA kuwoo Soomaalida ah ah maadaama ay muwaadiniin Soomaaliyeed yihiin.

“Hadalki wasiiru-dowladdaha gaanshandhiga shalay uu yiri ee ahayd Hubka labba qolaa loo ogolyahay waa Al-shabab iyo Dowladda, waxaa xigay hadalka Hassan ee maanta uu yiri Kaarka Nira Al shabaab ha qaadato, Haddaba anagu haddaan puntland nahay cadow baan unaqaana As Haddi xassan ku baaqay in Nira kaarkeeda AS qaataan waa cadow, qofki lagu arka ciddi lagu arkana waa xarig” ayuu yiri Wasiir Ceydiid

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in Puntland ahaan cadow u aqoonsan tahay cidii lagu arko karka NIRA iyadoo wadata islamarkaana uu xarig muteysan doono.

“Doorashadii Xasan ku soo baxay waxay ahayd tii ugu ayaanka darnayd, waraabe ayaa waxaa la yiri waxaa loo dhiibay hal iyo nirig ,hashii naasihii ayuu ka goostay, nirigtiina wuxuu ka goostay faruuryihii,waxaa la yiri wabaaboow hasha soo godal markaasuu ku jawaabay maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa “ayuu yiri Wasiir Ceydiid

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -