MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Somalia Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhawaajiyay in Alshabaab yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed islamarkaana xaq u leeyihiin qaadashada araka aqoonsiga Qaranka.
Hadalka Madaxweynaha oo Soomaali badan ka yaabeen lama oga hadii uu Madaxweynuhu si kale warka u dhigi doono iyo inuu ku adkeysan doono hadalkiisa,waxayna ku soo aadeysaa xili shalayna uu Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi isna ka dhawaajiyay in Muqdisho ay hub ku qaadan karaan Dowlada iyo Alshabaab taasoo iyana shacabka ka yaabisay.
“Alshabaab cid ka saari karta ma jirto muwaadinnimadana,waxaan leenahay qof kasta oo ka tirsan Al shabaab ha qaato Kaarka Aqoonsiga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in dunida oo dhan ay ka jiraan muwaadiniin xumaaday, wuxuu xusay in Alshabaabna kuwaas la mid yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
