Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire (Falagle) oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maalmaha soo socda gaari Doono Dhuusamareeb.

0

waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay Warar sheegaya in uu Dhuusamareeb ku wajahan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo, waxaana Xaqijiyay arintaas maamulka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed oo loo yaqaano (Falagle) oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey safarka la filayo inuu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Falagle ayaa sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto deegaanada Galmudug, gaar ahaan gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa xusay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo uu tilmaamay inuu furmi doono marka laga soo laabto aaska ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya Garoowe.

Ma shaacin wasiirka warfaafinta Galmudug waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo shirka, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhici doono waqtiga ugu dhow.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here